DUCOM waa urur madax bannaan, aan faa’iido doon ahayn isla markaasna aan lug ku lahayn wax siyaasad ah. Ururkan waxaa la aasaasay bishii June 2008, waxaana loo aasaasay inuu ilaaliyo danaha dadka Hollandayska ah ee ku nool Midlands, U.K.

 

Ururkani wuxuu xafiis ku leeyahay degmada Small Heath ee magaalada Birmingham, wuxuuna qorshaynayaa-haddii rabbi idmo- inuu xafiisyo ka furo degmooyinka kale ee ay deggan yihiin bulshada Hollandaysku.

 

Howlaha uu qabto waxay u kala baxaan 2qaybood  oo kala  ah mid bulshada oo dhan & mid u gaar ah bulshada holandeyska .

Howlaha loo qabto bulshada oo dhan waxaa ka mid ah :

·       Arrimaha mucaawanooyinka (Housing benefit, JSA, IWM)

·       Arrimaha biilasha (korontada, gaaska, biyaha IWM)

·       Qoritaanka waraaqaha kala duwan

·       Waxbarashada (sida xiriirka hay’adaha waxbarashada iwm).

·       Talooyinka Caafimaadka

·       Booqashada bukaanka isbitaallada iyo dadka xiran

·       Kulammo iyo dood-cilmiyeedyo khuseeya bulshada

 

Adeegyada loo qabto bulshada Hollandayska:

·       Baasaboorrada (foomkiisa iyo caawintiisa)

·       Dalbidda Shahaadooyinka Dhalashada  Carruurta

·       Dalbidda  waraaqaha soo guuritaanka

·       Daymaha la xiriira Holland

·       Arrimaha la xiriira safaaradda London

·       Arrimaha la xiriira Qunsuliyadda

Wixii faahfaahin ah waxaad nagala  soo xiriiri kartaan  

Adrekan & Telefanaddan hoos ku xusan:

 

   Mahadsanid  

 

 DUTCH COMMUNITY in the MIDLANDS (DUCOM) 

          12 Whitmore Road, Small Heath

               Birmingham, B10 0NP

                Tel: 44-121-772 3763/ 121- 661 6554

                Mobile: 07534228120/ 07938101933

                Web: www.dutchmidlands.org.uk

                Email: info@dutchmidlands.org.uk

 

 

© Copyright DuCoM 2008. Powered by Interspire.com